Midka Caqliga leh:
Dadku waxay u imanayeen ninka garaadka leh si ay cabasha ugu Sheegtan marar badan. Kaftan ayuu u sheegay maalin, markaasay wada qosleen.
Daqiiqado ka dib ayuu kaftankii ku celiyay, in yar oo ka mid ah uun baa dhoola caddeeyey.
Qofna ma qoslin markii uu isla kaftankii u sheegay mar saddexaad.
Garaadkii isagoo dhoola cadeynaya ayaa yiri:
"Kaftan isku mid ah kuma sii qosli kartid. Haddaba maxaad mar walba isku mid uga cabanaysaa?"
Welwelku ma xallin doono dhibaatooyinkaaga; waxa kaliya oo kaa lumi doona wakhtigaaga iyo tamartaada.

0 Comments